Qiso cajiib ah

Nabi suleymaan cs ayaa aadey aroos qaraabada ah isagoo u socda ayaa jidka waxaa kaga hor yimid malakumowd wuxuuna ku yiri :, suleymaanoow xagee u socotaa ? Nabiga cs ayaa oogu Jawaabey Waxaan usocdaa aroos qaraabada ah Hadaba malakumowd ayaa yiri caawo waxaan usocdaa inaan arooska nafta qaado; nabi suleymaan aadbuu u murugoodey wuxuuna niyada iska yiri ; ma waxaad aadeysaa meel isku bedeleysa Murugo iyo oohin sidaas ayuu ooga harey habeenkii arooska, aroortii markuu waaga baryey Ayuu nabi suleymaan cs u tagey arooskii Abihiisa Abihii wuxuu yiri nabi Alloow maxaad xaley u imaan weyday arooska ? Hadaba nabi suleymaan isagoo kajawaabin su,aashaas ayuu la kulmey malakulmowdkii wuxuuna ku yiri; maxaad xaley u tiri arooska Ayaan nafta ka qaadayaa? Malakulmowdkii ayaa yiri waa run Allaah ayaa isoo direy inaan nafta ka qaado balse Amar Alle ayaa ka danbeeyey oo Allaah ayaa i Amrey inaan dib u noqdo, waayo guriga arooska waxaa ag fadhidey Islaan masaakiin ah oo gaajeysan markaas ayuu ...