Qiso cajiib ah


Nabi suleymaan cs ayaa aadey aroos qaraabada ah isagoo u socda ayaa jidka waxaa kaga hor yimid malakumowd wuxuuna ku yiri :, suleymaanoow xagee u socotaa ? Nabiga cs ayaa oogu Jawaabey
Waxaan usocdaa aroos qaraabada ah
Hadaba malakumowd ayaa yiri caawo waxaan usocdaa inaan arooska nafta qaado; nabi suleymaan aadbuu u murugoodey wuxuuna niyada iska yiri ; ma waxaad aadeysaa meel isku bedeleysa
Murugo iyo oohin sidaas ayuu ooga harey habeenkii arooska, aroortii markuu waaga baryey
Ayuu nabi suleymaan cs u tagey arooskii Abihiisa
Abihii wuxuu yiri nabi Alloow maxaad xaley u imaan weyday arooska ?
Hadaba nabi suleymaan isagoo kajawaabin su,aashaas ayuu la kulmey malakulmowdkii wuxuuna ku yiri; maxaad xaley u tiri arooska Ayaan nafta ka qaadayaa?
Malakulmowdkii ayaa yiri waa run Allaah ayaa isoo direy inaan nafta ka qaado balse Amar Alle ayaa ka danbeeyey oo Allaah ayaa i Amrey inaan dib u noqdo, waayo guriga arooska waxaa ag fadhidey Islaan masaakiin ah oo gaajeysan markaas ayuu wiilka Abihiis si wanaagsan oo sharafleh usoo dhaweyey islaanta masaakiinta ah,
isla markiina islaantii ayaa u duceysay arooska iyo aroosada iyada oo ilaah ooga baridey cimri dheer iyo cafimaad iyo awlaad qeyr qabta inuu ilaah kala siiyo, Ducadaas ayuuna ilaah u aqbaley......
Subxanallaah Alloow ducadeena naga aqbal
Marwalbo  oon duceysano ama naloo duceeyo
aan ku daadaalno caawinta masaakiinta insha Allaah !!!!

Comments

Post a Comment

coment-tigaaga waa muhiim

Popular posts from this blog

Aqri shekooyinka hooskuqoran

saaxiibkaaga iska eeg

ilaaali sharafta ..................