saaxiibkaaga iska eeg

"Markii Maalinka Qiyaamaha dadka loo kala diro Jannada iyo Naarta ayay Ahlu-Jannuha kuwoodii Dunida isku yaqaanay ka sheekeysanayaan Maalmihii Dunida iyo Saaxibadii ay Nolosha lasoo qaateen.
Iyaga oo sheekeysanaya ayay soo xusuusanayaan mid kamid ah Saaxiibadood, waxayna isweydiinayaan halka uu ku dambeeyo.
Markay kala garan waayaan inuu Jannada ku jiro ayay waydiinayaan Malaa'ikta, waxayna Malaa'iktu u sheegeysaa inuu Naarta ku jiro.
Mid kamid ah Saaxiibada Ninkaas Naarta ku jiro ayaa codsanayo in saaxiibkiis loo keeno oo Naarta lagasoo saaro, wuxuuna leeyahay: Wallaahi dhadhanka Jannadu iima macaanayo haddaan saaxiibkeey Naarta lagasoo saarin. Markaas ayuu Alle Amrayaa in Ninkaas Naa
rta lagasoo saaro wuxuna sidaas ugusoo biirayaa Ahlu-Jannaha"
Sh. Xasan Al-Abasri Raximahullaah.

Si fiican uga fiirso xulshada saaxiibadaada dibna u eeg kuwa maanta kugu xeeran. Haddii aad u aragto in saaxiibadaada maanta ay kuu horseedi karaan Mustaqbal fiican, ilaasho Allena uga mahadceli Nicmadaas uu ku siiyay ee aan la wada heysan. Balse haddii ay kuu muuqato inaysan kuu horseedi karin Nolol fiican, geerka bedel Allena waydiiso bedel khyeyr qaba.

Comments

Popular posts from this blog

Aqri shekooyinka hooskuqoran

ilaaali sharafta ..................